Dowladda Jarmalka ayaa shaacisay inay Soomaaliya kala baxeyso tababareyal ciidan oo ka joogay Soomaaliya, kana mid ahaa howgalka Midowga Yurub ee Somaaliya.
Saxaafadda Jarmalka ayaa Warkan kasoo xigtay wasaaradda arrimaha dibadda dalkaasi oo sheegtay in saraakiisha milateri ee tababarka u joogay Soomalaiya ay la baxeyso iyadoo gebi ahaanba joojineysa qeybtii ay ku lahayd tababarrada Ciidamada Soomaaliya.
Jarmalka ayaa waxa uu kamid yahay qorshe midawga Yurub uu ku tababaro ciidanka xoogga kaa oo magaciisa losoo gaabsho EUTM waxayna bilaaben mashruucan sanadkii 2010-kii, wuxuuna socdaa muddo 8 sano ah.
Saraakiisha Jarmalka ee ka baxaya Soomaaliya ayaa gaaraya 20 Askari, waxaana la qaadi doonaa bisha Maarso ee sanadkan 2018. Warkan oo lagu qoray wargeska Jarmalka De Spiegel ayaa waxaa laga soo xigtay mas’uul ka tirsan Wasaaradda Arimaha dibadda ee Jarmalka.
Mas’uuulkaasi ayaa xaaladda Soomaaliya ku sheegay mid aan horumar lahayn oo ciidamada Soomaaliya horumarkoodu gaabis yahay, taasoo ay sababtay cqabado ka jira dhinaca siyaasadda. Soomalaiya waxaa ka howlgala 155 Saraakiil & la-taliyaal ciidan ah oo ka socda 12 Wadan oo midawga Yurub ka tirsan.