Monday, July 14, 2025

Dowladda Kenya oo ku adkeysatay inay Somalia ku xadgudubtay Xuduudkeeda Badda [Is-afgaradkii ay 2009 oo weli u taagan… Daawo]

Dowladda Kenya ayaa weli ku dhegan is-afgradkii ay Soomaaliya iyo Kenya kala saxiixdeen sanadkii 2009 ee ku saabsanaa xuduuda Badda ee labada dal, iyadoo ku adkeysatay in Somalia ay ku xadgudubtay Xuduudkeeda Badda.

Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma iyo xoghayaha joogtada ah ee Wasaarada arrimaha dibadda dalkaasi Macahria Kamau ayaa lagu sheegay in dowladda Kenya ay weli u aragto is-afgaradkii labada dowladood ee Somalia & Kenya kala saxiixdeen 2009 inuu shaqeynayo oo arrinta muranka Badda lagu xalin karo wadahadal.

Monica Juma ayaa sheegtay in Somalia au wax badan u qabteen, isla markaana ay Kenya wax waliba u hurtay inay dowladnimadii la soo noqoto, waxayna caddeysay inaysan ogeyn sababta ay Somalia ugu xadgudbeyso dhulka Kenya, iyadoo ku hanjabtay inay Kenya Hal Inch oo xuduudkeeda ah uga tanaasuleynin dal kale, waxayna intaas ku dartay tallaabada xigi doonta ay ku xiran tahay sida wax u dhacaan oo aysan saadaalin karin.

Wasiir Monica waxay sheegtay in dal kasta waajib ka saaran yahay in la dhowro xuduudihii uu gumeysiga uga tegay Afrika, ayna tahay inaan lagu xadgudbin. Waxay caddeysay inaysan Kenya ku qanacsaneyn jawaabta Somalia, isla markaana ay Kenya jawaab ka sugeyso Somalia.

Xogahayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa isna sheegay in si khaldan loo fasiray tallaabadii ay Kenya qaadatay, wuxuuna beeniyay inay safiir la soo noqdeen ama ay dalkooda ka ceyriyeen safiirkii Soomaaliya, wuxuuna sheegay inaysan jirin safiir ay ceyriyeen, balse ay safiirka Somalia u direen dalkiisa si uu warbxin buuxda uga keeno, halka ay safiirkooda ugu yeerteen la-tashi.

Maanta ayey ahayd markii Golaha wasiirada Kenya oo uu guddoomiyey Madaxweyne Uhuru Kenyatta, kaasoo lagu sheegay in lagu gaaray qaraar ku saabsan muranka badda ee Somalia iyo Kenya, kaasoo lagu xaqiijinayo xuduudaha Kenya.

HOOS KA DAAWO SHIRKA JARAA’ID

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON