Monday, June 23, 2025

Dowladda Kenya oo Wasiir ku xigeen & laba Senator Dib ugu soo celisay Muqdisho, kadib xayiraad cusub…

Dowladda Kenya ayaa magaalada Muqdisho dib ugu soo celisay wasiir ku xigeen ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo laba xildhibaan oo ka tirsan Aqalka Sare.

Saddexdan mas’uul ayaa ku xayirnaa garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi ee Jomo Kenyatta kadib markii ay Kenya diiday Visa siyaasiyinta Soomaalida lagu siin jiray marka ay ka degaan garoomada dalkaasi, waxaana go’aankan oo aan la ogeyn uu keenay inay muddo 15 saacadood ah ku xayirnaadaan Garoonka, kadibna saaka dib loogu soo celiyo magaalada Muqdisho.

Wasiir kuxigeenka Tamarta iyo Biyaha Cismaan Libax, Senator Ilyaas Cali Xasan iyo Senator Zamzam Dahir ayaa goor dhoweyd saaka kasoo degay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, iyagoo noqday mas’uuliyiintii ugu horeysay ee ay saameyso xayiraadda dowladda Kenya ay saartay mas’uuliyiinta Soomaalida.

Dowladda Kenya ayaa joojisay Visaha dal ku galka ee On Arrival lagu siin jiray Garoomada Xildhibaanada iyo Wasiirada, iyadoo go’aankan uu qeyb ka yahay cadaadisa ay Kenya saareyso dowladda Soomaaliya arrinta dacwadda Xuduudka Badda ee labada dal.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON