Tuesday, June 24, 2025

Dowladda Kenya oo Wasiirada & Xildhibaanada Somalia ka joojisay Fiisooyinkii lagu siin jiray Garoomada.

Dowladda Kenya ayaa qaadatay go’aan kale oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya, kadib markii ay joojisay in Wasiirada iyo Xildhibaannada dowladda Soomaaliya ee wata baasaboorrada diblomaasiga iyo shaqada inay fiisooyinka (dal-ku-galka) ku siiso garoomadeeda.

Arrintan ayaa la xaqiijiyey inay maanta qabsatay wasiir ka mida xukuumadda Soomaaliya, kadibna ay ku qasabtay inuu adeegsado Baasaboor ajnabi ah si loo siiyo dal ku galka Kenya, waxayna arrintan meesha ka saareysaa in madaxda dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta ay fiisooyinka Kenya helaan marka ay ka degaan Garoonka Nairobi, taas bedelkeeda waxay dalban doonaan Fiisooyinka sida shacabka kale ee Soomaalida.

Arrintan ayaa qeyb ka ah go’aannada dowladda Kenya ay cadaadiska ku saareyso dowladda Soomaaliya, iyadoo dhowaan duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho-Nairobi joojisay, loona weeciyay diyaaradaha ka taga Muqdisho inay sii maraan garoonka Wajeer ee Gobolka W/Bari.

Dagaalka diblomaasiyadeed ee Kenya ku heyso dowladda Somalia ayaa ah mid aan la shaacin oo si hoose u dhaqan gelaya, waxaana arrintan ay salka ku heysaa dacwadda badda ee Somalia iyo Kenya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON