Friday, June 27, 2025

Dowladda Mareykanka oo lacag ka badan $500 Milyan ugu deeqday Dalal ay Soomaaliya ka mid tahay

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Maraykanka ayaa lagu sheegay in Dowlada Maraykanka ay ku taageeraysa lacag gaareysa 533 Malyan oo Dollar Wadamo ku yaal qaarada Afrika oo ay dagaalo iyo abaaro saameeyeen.

Warkaasi ayaa lagu sheegay in Wadamada lagu deeqayo lacagahaasi ay ka mid yihiin Ethiopia, Somalia, Koonfurta Suudan iyo wadamo ku yaal Galbeedka iyo Bartamaha Afrika oo jaar la ah Harada Chad, sida uu sheegay Xoghayaha Arrimaha Dibbada Maraykanka Rex Tillerson.

Mr: Tillerson ayaa warkani ka sheegay Magaalada Virgenia ka hor inta uusan u ambabaxin safar toddobaad qaadanaya oo uu ku tegeyo qaar ka mid ah dalal ku yaal qaarada Afrika.

Xoghayaha Arrimaha Dibada Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Maraykanka ay ka aas-aasayso qaarada Afrika nidaam lagu horumariyo dhaqaalaha wadamada dhaca Qaaradaasi.

War-saxaafadeedka ayaa loo kala qaaday sida ay wadamadaasi u heleyaan taageeradaasi ka timid Wadanka Maraykanka, iyadoo lacag ku dhow 184 Milion oo Doolar wax looga qaban doono dadka ay saameeyeen Dagaalada ee ku dhaqan Konfurta suudaan, in ka badan 110 Million oo doolar-na Dadka Itoobiya, lacag taasi la mid ahna oo gaareeysa 110 Million oo Doolar waxaa lagu taageerayaa Soomaaliya oo ay saameeyeen Dagaalo, oo ka soo kabaneysa iyo Abaaro, iyo lacago ka badan 128 Million oo Doolar ayay Doweladda Maraykanku ugu deeqday Wadamada Nayjeeriya iyo kuwa ku yaala Harada Jaad.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Dowladda Marakanka ayaa weaxaa kaloo lagu sheegay in Dalalka Chad iyo Koonfurta Suudaan,sanado badan oo dagaalo ka jireen ay horseeday xaalad cuni yari,halka Soomaaliya dagaaladii sokeeye ee ka jiray ay sababtay xaalado bini-aadanimo oo aad u daran iyo abaaro.

Dowladda Mareynkanka ayaa ka mid ah Dowladaha lacagaha ugu badan ku bixiya arrimaha bini-adanimada,wuxuuna bilowga sanadkii hore ee 2017-kii bixiyay lacag gaareysa $3 billion oo lagula tacaalayay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka bini-adanimo ee jiray.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON