Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday maamulka la baxay Somaliland inuu dhowro xaqa xoriyadda hadalka iyo fekerka.
Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay Safaaradu cambaareyneysao xariga lagula kacay dadka kala ah Naciima Axmed Ibraahin iyo Maxamed Keyse Maxamuud.
Safaaradda Mareykanka ee Somalia ayaa ugu baaqday madaxda Somaliland inay dhowtaan xoriyadda asaasiga ah ee ee aan la iska qaadi karin iyo xaq qofku u leeyahay inuu fekerkiisa Cabiro.
Maamulka Somaliland ayaa xabsiga dhigay Naciima Abwaan Qorane oo taageerta midnimada Somalia iyo Maxamed Keyse oo qoray buug ku saabsan guushii siyaasadeed ee madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo.