Thursday, June 26, 2025

Dowladda Mareykanka oo War kasoo saartay xiriir dhex mara dowladaha Itoobiya iyo Ereteriya

Dowladda Mareykanka ayaa War kasoo saartay xaalada labada dal ee Itoobiya iyo Ereteriya  oo horumar ka sameeyayn xal u helista murranka muddada dheer ka dhex oognaa iyo caadiyeynta xiriirkooda uu dhiirigelinayo.

War-qoraal ah oo kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in nabad waarta aysan barwaaqo u horseedeyn shacabka Ethiopia iyo Eritrea kaliya balse guud ahaan dalalka deriska la ah, gobolka, Mareykanka iyo good ahaan dunida.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Mareykanku waxa uu bogaadinayaa qoraalki ka soo baxay Ethiopia 5-tii bishan June ee ay ku sheegtay inay si buuxda u aqbaleyso heshiiskii labada dhinaca ay sanadkii 2000 ku gaareen dalka Algeria.”

Qoraalka ayaa sidoo kale Mareykanka uu ku soo dhaweeyay go’aankii 20-kii bishan uu madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki uu wafdi ugu diray Addis Ababa, si loo sii horumariyo wada hadallo nabadeed oo labad dhinac dhex mara.

Qoraalka waxaa lagu yiri “Ra’isul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed iyo Isaias Afwerkiga Eretria ayaa labaduba muujiyay hogaan geesinimo iyagoo talaabooyin u qaaday dhinaca nabadda”.

In ka badan 20-kii sanadood ee la soo dhaafay ayaa colaadda ka dhex oogneyd labada waddan ay hor istaagtay degenaanshaha iyo kobaca dhaqaale ee gobolka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON