Dowladda Qatar ayaa jawaab ka bixisay warbixin dheer oo Wargeyska caanka ah ee New York Times ka qoray doorkeeda Soomaaliya, iyadoo lagu xiriiriyey inay ku lug lahayd weerar qarax ah oo ka dhacay magaalada Boosaaso Bishii May 2019.
Xafiiska xiriirka u qaabilsan Dowladda Qatar ayaa soo saaray Bayaan ku saabsan arrintan, waxaana lagu sheegay in xafiiska uu aragtidiisa arrintan la qeybsaday Wargeyska New York Times 9-ka July 2019, isla markaana dowladda Qatar ay caddeysay in siyaasadeeda arrimaha dibadda ay ku saleysan tahay dhismaha nabadda iyo horumarka.
Qoraalka Dowladda Qatar ayaa lagu sheegay inaysan faragelin ku sameyn arrimo gudaha dalalka kale, kuna xadgudbin qaranimada dalalka kale. “Cid waliba oo sidaasi sameysa ma metesho dowladda Qatar. Somalia, imaaraadka Carabta ayay ahay dowladii gacanta kula jirtay isku dayga ah inay ka faa’iideysato oo ah maamusho iyadoo taageero dhaqaale adeegsaneysa” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda Qatar.
Bayaanka kasoo baxay xafiiska xiriirka ee dowladda Qatar ayaa lagu sheegay in ninka lagu magacaabo Khalifa Almuhannadi aanu ahayn, weligiisna noqon la-taliye dowlad ama hay’ad ka tirsan dowladda Qatar. “Ma metelo dowladda Qatar, xaqna uma laha inuu faahfaahin ku bixiyo magaca dowladda Qatar; waxaan baartin ku sameyn doonnaa qofkan, wuxuuna qaadi doonaa mas’uuliyadda warka kasoo yeeray, oo aad ku adkeysaneyso inaysan ka mid ahayn dhaqankeeda” ayaa ka mid ahaa qoraalka dowladda Qatar.
Qoraalka kasoo baxay dowladda Qatar waxaa lagu soo gabagabeeyay: “Somalia waa saaxiib muhiim u ah dowladda Qatar; lakiin ma faragelino arrimihiisa gudaha. Xiriirka aan la leenahay Soomaaliya wuxuu ku dhisan yahay xurmeynta danaha labada dal. waxaan u rajeyneynaa wanaag dowladda iyo shacabka Somalia, taageeradeenuna way sii socon doontaa inta laga gaarayo xasilooni”
Dowladda Qatar ayaa ka codsatay wargeyska New York Times inuu siiyo codka laga duubay si ay ugu adeegsato baaritaanka ay wado, taaso wargeysku aanu ogolaan, ayna ugu wacan tahay siyaasadda tifatirka waregeyskaasi oo ay sheegtay inay ixtiraameyso dowladda Qatar, tallaabo kalena aysan qaadeynin.
JAWAABT DOWLADDA QATAR HOOS KA AKHRISO