Monday, June 23, 2025

Dowladda Qatar oo Soomaaliya ka taageereysa Dagaalka Alshabaab & Xaaladda Amniga

Dowlada Qatar ayaa balanqaaday inay Soomaaliya ka taageereyso dagaalka kooxda Alshabaab iyo arrimaha ammaanka, kadib booqasho uu dalkaasi ku tegay wasiirka amniga Soomaaliya.

Wakaalada wararka dalka Qatar aa baahisay in Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Cabdullahi Bin Nasir Althani uu kulan kula qaatay Magaalada Doxa wasiirka amniga Maxamed Abukar Islow ayna  labada masuul ay isla qaateen xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal.

Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa uu u baahan yahay in gacan weyn laga siiyo dhinacyada amaanka, la dagaalanka Al-shabaab iyo qaabka loo wajahayao amniga iyo xasilooni kusoo dabaalida Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa taageero dhinaca ammaanka ah ka raadsatay dalal kala duwan sida Turkiga iyo Qatar kadib markii dalalka reer Galbeedka ay ka gaabsadeen inay ka saacidaan arrimaha sirdoonka iyo amniga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON