Dowladda Qatar ayaa soo dhoweysay iskaashiga saddex geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritera iyo go’aanadii ka soo baxay shirkii madaxda saddexda dal ee dhowaan ka dhacay dalka Itoobiya.
Wasiirka Arrimaha dibadda Qatar Maxamed C/raxmaan Althani ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter wuxuu ku sheegay in dowladda Qatar ay soo dhoweyneyso heshiiska ay madaxda saddexda dal ee Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya gaareen, kasoo lagu taageerayo isku-xir dhaqaale iyo iskaashi amni oo dhex mara.
Wasiirka Arrimaha dibadd Qatar ayaa intaas ku daray in iskaashiga iyo heshiiska saddexda dal ay abuurayaan rajo iyo bog cusub oo u furmo Geeska Afrika.
Dowladda Qatar ayaa taageerta Soomaaliya, iyadoo ka gaabsatay arrimaha Geeska Geeska Afrika markii ay ciidamadii nabad ilaalinta ahaa kala baxday xuduudka u dhaxeeya Jabuuti iyo Eritrea.