Wasiirka Batroolka iyo Macdanta xukuumada Soomaaliya ayaa ku baaqay in la joojiyo shir la sheegay in horraanta sanadka soo socda lagu qaban lahaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo looga hadlayo saliidda, gaaska iyo macdanta Soomaaliya.
Wasiirka Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa warqad uu u qoray shirkad lagu magacaabo International Research Network oo la sheegay inay shirkaasi qabanqaabineyso ugu sheegay in wasaaraddu aysan waxba ka ogayn, waxna ka qorshaynin shirkaasi loona baahan yahay in degdeg looga noqdo.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inaanu waxba ka ogayn shirkaasi oo la sheegay oo warqad la sheegay in ay kasoo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha muujisay in shirkaasi Soomaaliya uu ka qaybgali doono Ra’iiusl Wasaaraha iyo Wasiirka batroolka.
DHAGEYSO WAREYSIGA WASIIRKA EE VOA