Thursday, March 28, 2024

Dowladda Somalia iyo Bankiga Horumarinta Afrika oo kala saxiixday Mashaariic laga fulinayo Baydhabo & Kismayo

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bankiga Horumarinta Afrika ayaa maanta kala saxiixday laba heshiis oo ku saabsan mashaariic laga fulinayo magaalooyinka Baydhaba iyo Kismaayo ee maamullada K/Galbeed iyo Jubbaland.

Heshiisyadan ayaa ah qeybtii ugu dambeysay ee dhismaha waddooyinka dalka iyo mashruuca Biyo gelinta magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo oo uu maalgelinayo Bankiga horumarinta Afrika, isagoo soo maraya Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Shirka lagu saxiixay heshiiskan waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaradda Tamarta & Khayraadka Biyaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiya Maxamed Sheekh, Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Cabdi Aadan Hoosow, Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow, Wasiiro ka socday Dowlad Goboleedyada dalka, Madaxda Banggiga Horumarinta Afrika iyo Saraakiil ka socotay hay’adda IOM.

Ad

Dhanka Dowladda Soomaaliya waxaa heshiiska u saxiixay Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow halka dhinaca Banggiga horumarinta Afrika u saxiixay kuxigeenka agaasimaha guud ee Banggiga horumarinta Afrika Mrs. Ninenna.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON