Thursday, April 18, 2024

Dowladda Somalia ma ku degdegtay eryidii Wakiilkii Q/Midoobay..? [Akhriso Dood weyn oo ka dhalatay]

Go’aankii kasoo baxay dowladda Somalia ee shaqada looga eryay, lagana dalbaday inuu dalka isaga baxo wakiilkii Q/Midoobay Nicholas Haysom ayaa keenay dood weyn oo ka dhalatay arrintan.

Dadka arrintan ka hadlay waxaa ka mida diblomaasiyiin hore, siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo dadweyne, waxaana baraha bulshada buuxiyey taageerada go’aanka dowladda ka qaadatay ergeyga Q/Midoobay oo maalin uun ka hor qoraal culus u diray Wasiirka Amniga  dowladda Somalia.

Diblomaasi hore Somalia ugu fadhiyey xarunta Q/Mdoobay ee UN-ka Ciid Bedel aya sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku degdegtay tallaabada ay ku ceyrisay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey, iyadoo ay habooneyd inay qaab kale u marto oo ka haboon, sida inay la xiriirto xoghayaha guud ee Q/Midoobay.

Ad

“Ninkan waxaa soo dirsaday xoghayihii guud ee Qaramada Midoobey waxay aheyd in isaga lala xiriiro oo jid diblumaasiyadeed la isticmaalo oo loo sheego in safirkii u fadhiyay soomaaliya inuu xadgudub sameeyay, dowladda u dirto caddeynta isagana uga codsato inuu dib ula soo noqdo safiirkiisa inta ay dowladdu toos u eryi laheyd” ayuu yiri Iid Badel oo soo qaatay arrin tan la mida oo dowladii C/llaahi Yuusuf iyo Cali Geedi soo wajahday oo ay Q/Midoobay kala hadleen, kadibna la bedelay ergeygii UN-ka.

Dhinaca kale Yaxye Cali Hareri oo ka mida la-taliyeyaasha Ra’iisal wasaaraha ayaa si buuxda u taageeray tallaabada lagu eryay Nicholas Haysom, wuxuuna ku tilmaamay arrintan Waa’ cusub oo u baryey Soomaaliya.

Image may contain: 1 person, smiling, text

- Advertisement -

Fekrad kale waxaa baraha bulshada ku soo bandhigay agaasimihii hore ee NISA C/llaahi Maxamed Sanbaloolshe oo dowladda Soomaaliya ku sheegay mid aan awood lahayn oo aan xitaa xukumin Jidka Maka Almukarama.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa isna qaba in lagu degdegay go’aanka laga qaada wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya. “Awoodda Ergaygu waa mid ku tiirsan xoogga ciddii soo dirsatay, awoodda ninka wax eryayna waa mid ku tiirsan awoodda kan la eryay!,waxaan hubaa degdegta lagu soo saaray, waqtiga la soo saaray iyo saamaynta ay dalka ku keeni karto intaba warqaddaas inaan si qoto-dheer looga baaraan-degin…” ayuuna yiri.

Dadka shacabka ah ayaa u kala qeybsan taageerayaal ka raacay in dowlad Soomaaliyeed ay yeelato awood ay diblomaasi UN-ka ka socda u eryi karto iyo qaar xaaladda ka fiiriyey tabarta dowladda Somalia iyo waxa ka dhalan kara go’aankan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON