Kadib shir ay magaalada Muqdisho ugu soo gabagaboobay Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ayaa laga soo saaray qodob si toos ah ugu socdo Hay’adaha Q/Midoobay.
Qodobadda heshiiska laga soo saaray ayaa waxaa kamida in dib u eegis lagu sameeyo heshiiskii SOMA ee dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, kasoo dhigaya in canshuur dhaaf loo sameeyo qalabka iyo agabka u soo dega hay’adaha Q/Midoobay.
Go’aankan ayaa sabab looga dhigay in heshiiskaasi uu dhibaato dhaqaale u keenay dalka, sidaas darteedna dib u eegis lagu sameeyo si loo waafajiyo heshiiska Jineva, iyadoo aan faafhaahin badan laga bixin arrintan.
Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in magaca Q/Midoobay ay hay’ado badan dalka ku soo geliyaan Badeecado kala duwan oo qaarkood suuqyada lagu iibiyo.
HOOS KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA