Wararka ka imaanyaa Magaalada dhuusamareeb ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah oo ay dalbatay dowladda Soomaaliy ay gareen magaaladaasi si ay u xoojiyaan amniga magaalada oo la qorsheynayo in aakhirka Bisha Disembar ay ka dhacdo doorasho.
In ka badan 10 gaadiid oo sida cidiamada Itoobiya ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, waxaana la sheegay inay qeyb ka yihiin ciidamada sugaya amniga, iyadoo ay hore halkaasi dowladda Federaalka u geystay ciidamo ku dhow 1500 askari oo ka tirsan NISA, Booliska, Kumaandooska Xoogga dalka iyo kuwa gaar u tababarran.
Waxaa walaac laga muujinayaa doorka ciidamada Itoobiya ku yeelan doonaan Doorashada, iyadoo la xusuusto Doorashadii K/Galbeed oo ay kaalin weyn ka ciyaareen markii ay soo xireen Sheekh Mukhtaar Roobow, sidaasina uu ku soo baxay musharixii dowladda Federaalka.
Xibsiyada Madasha Qaran ayaa cambaareeyay tallaabada ay ciidamada Itoobiya ku tageen magaalada Dhuusamareb, waxayna sheegeen in ujeedku yahay saameyn ay ku yeeshaan doorashada Galmudug.