Tuesday, July 15, 2025

Dowladda Somalia oo Dardar gelisay Qorshaha bixinta Qandaraasyada Soo saarista Shidaalka Somalia.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sii xoojisay ololaheeda ku saabsan soo bandhigista daraasadda sahanka Gaaska Somalia, Qandaraas bixinta soo saarista shidaalka lagu tuhumayo inuu ku jiro Badda Somalia.

Qorsha xukuumadda Xasan Cali Kheyre waxaa ka mida qabanqaabada laba shir oo ka dhacaya dalalka Turkiga iyo Mareykanka, waxaana lagu soo bandhigi doonaa daraasadii Shirkadda Spectrum Geo ee sahanka laga qaaday Badda Somalia ee ku teedsan Gobolka Mudug ilaa J/Hoose.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya Maxamuud Cabduqaadir Hilaal ayuu ku sheegay in Shirka koowad lagu qabanayo Turkiga, islamarkaana ay ka qeyb geli doonaan Shirkado laga leeyahay dalkaas, oo daneynaya Shidaalka Soomaaliya.

Shirka labaad ayuu sheegay inuu ka dhacayo dalka Mareykanka, kasoo isna ay ka qeybgeli doonaan Shirkadaha waaweyn ee caalamka, ujeedkuna yahay soo bandhigidda shidaalka laga sahmiyey Badda Somalia si loogu helo maalgelin caalami ah.

Dhowaan ayay ahayd markii Wasaaradda batroolka Somalia iyo Shirkadda Spectrum ay samaayeen website gaar u ah macluumaadka Qandaraasyada lagu bixinayo soo saarista shidaalka Somalia iyo xilliyada ay ku beegan yihiin.

HOOS KA AKHRISO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON