Dowladda Soomaaliya ayaa Guddi qabanqaabo u sameysay muxaarado uu magaalada Muqdisho ku qabanayo Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mida culimada waaweyn ee Soomaalida.
Guddiga qabanqaabada muxaarada waxaa ka mida: Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliska Booliska, iyadoo muxaadarada oo ka dhici doonta Garoonka Eng. Yariisow Ex. Banaadir loo qabtay inay dhacdoMaainta Axnadda ee 24-ka bishan Novembar 2019.
Qabsoomidda muxaaradan ayaa waxaa ka hor yimid wadaad lagu magacaabo Sheekh C/qaadir Soomow oo eedeyn u sheegay Sheekh Umal, balse ay si weyn u naqdiyeen hadaladiisa culimo badan oo ay ka mid yihiin Sheekh Cali Wajiis iyo Bashiir Maxamed Salaad.
Wasiirka Dhalinyaradda iyo Isboortiga xukuumadda Somaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa si cad u sheegtay in muxaadarada Sheekh Umal ay dhaceyso Axadda, iyadoo meesha ka saartay tashwiishka lagu furay Sheekha.
Sababta dib u dhaca muxaadarada ayey ku sheegtay in Maanta salaada Jimcaha ka dib ay dhaceyso salaad janaaso ah oo lagu tukanayo Meydka Almaas Elman oo ay ka qeyb galayaan culimada waaweyn ee Umal ka mid yahay.