Monday, July 7, 2025

Dowladda Somalia oo heegan gelisay Ciidamada jooga Gedo, Duulimaadyo la joojiyey & C/rashiid Janan oo weli la raadinayo..

Wararkii ugu danbeeyay ee xaaladda Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid oo la sheegay inuu baxsaday shalay ayaa sheegaya dowladda Soomaaliya ay soo rogtay tallaabooyin lagu raadinayo, iyadoo heegan la geliyey ciidamada jooga Gobolka Gedo, isla markaana la joojiyey duulimaadyadii tegi jiray magaalooyinka Baydhaba iyo Kismaayo

Waxaa Gobolka Gedo hadda ku sugan taliyaha ciidamada dhulka iyo boqolaal ciidan oo laga diray magaalada Muqdisho, kuwaasoo la wareegay inta badan degmooyinka Gobolka Gedo, waxayna wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in arrintan ku soo beegantay iyadoo Taliska Booliska Soomaaliya shaaciyey inuu baxsaday Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo dowladda u xirnaa.

Wasiir Janan oo shalay la shaaciyey inuu ka baxsaday Guri lagu hayey ayaa weli la baadi goobayaa, waxaana laga cabsi qabaa inuu gaaro deganada Jubbooyinka iyo Gedo, isagoo uu saameyn weyn ku lahaa Gobolka Gedo, halkaasina ku lahaa ciidamo taageersan.

Dowladda Somalia ayaa olole ugu jirtay inay maamulka Jubbland ee Axmed Madoobe kala wareegaan Gobolka Gedo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON