Ciidamada Booliska dowladda Soomaaliya ayaa hor istaagay oo joojiyey xaflad uu xisbiga Wadajir ku qabsan lahaa hotel ku yaalla magaalada Muqdisho.
Ciidamo Boolis ah ayaa la dhigay hotelka Maka Almukarama iyo agagaarihiisa, waxaana maamulka Hotelka la gaarsiiyey farriin ah inaan la qaban karin xaflad tababar oo xisbiga Wadajir u soo gabagabeyn lahaa dhalinyaro.
Dowladda Somalia ayaa cabsi gaara ka qabta xisbiga uu hoggaamiyaha ka yahay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame iyadoo hore uga joojisay isu soo baxyo iyo kulamo uu ku qabsan lahaa magaalada Muqdisho.
“Waxaa amar ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Farmaajo lagu xiray Hotel Makka Al-mukarama oo maalmahan uu ka socday simanaar sare loogu qaadayo aqoonta iyo wacyiga siyaasadeed ee Kaadirka Xisbiga Wadajir. Booliska Soomaaliyeed ee loogu tala galay in ay nabadgelyada ilaaliyaan, sharcigana dhowraan ayaa caburin, cagajuglayn iyo cadaadis dano shakhsi ah loo adeegsaday. Waxaa ii muuqata in kooxda talada haysataa aysan lahayn aragti iyo fikir ay dadka ku qanciyaan, waxay naf bideen qori iyo qalalaase.” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo jawaab ka bixiyey arrintan.