Monday, July 14, 2025

Dowladda Somalia oo ku dhawaaqday in Berri ku beegan tahay Maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga..

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in maalinta Berri ee Talaadadda 4-ta June ay ku beegan tahay maalinta koowaad ee Ciidul fitriga.

Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda Somalia ayaa ku dhawaaqday go’aankan kadib markii laga arkay magaalooyin ka mida Soomaaliya sida Sh/Dhexe, Sh/Hoose, J/Hoose, Bay iyo Gobollo kale, waxaana arrintan xaqiijiyey culimo loo diyaariyey hubinta iyo xaqiijinta dhalashada bisha Shawaal ama Soonfur.

Agaasimaha arrimaha diinta Sheekh Cali Maxamuud (Sheekh Cali Dheere) ayaa warbaahinta dowladda ka sheegay inay xaqiijiyeen dhalashada bishii Ramadaan, isla markaana dad badan oo la soo xiriiray oo qaarkood ay aqoon u leeyihiin ayna u xaqiijiyeen dhalashadii Bishii Shawaal.

Wasaarradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta Xukuumadda Somalia ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay Berri tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON