Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday tallaabooyin looga hortegayo faafidda cudurka Coronavirus waxaana la amray in la xiro Dugsiyada iyo jaamacadaha, lana joojiyo kulamada waaweyn.
Ra’iisul Wasaaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa saqdii dhexe ee xalay kadib shaaciyay go’aannada ay qaadatay dowladda Soomaaliya oo ah in la xiro Dugsiyada iyo Jaamacadaha muddo 15 maalmood oo ka bilaabata 18-ka Maarso 2020, waxaa kaloo la amray in la joojiyo kulamada waaweyn, xafladaha iyo isu soo baxyada fagaarayaasha.
Wuxuu sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay u qoondeysay la-tacaalidda cudurka lacag dhan 5 Milyan oo Doollarka la tacaalidda cudurka COVID- 19, dhammaan dalka oo dhan.
Dowladda ayaa ku howlan dhamaystirka xarumo lagu karantiilo, laguna hubiyo dadka looga shakiyo cudurka, halka Isbitaalka Martiini loo asteeyay in lagu daweeyay bukaannada uu cudurku haleelo – Alla ma qaddaree-.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed kala hadlay saameynta uu dhaqaalaha dalka ku yeelan karo caabuqaan iyo sida looga hortagi lahaa. Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in Isbitaalka Martiini loo diyaarinayo in lagu daweeyo dadka qaba cudurka, wuxuuna dadka Soomaaliyeed ka codsaday inay argagax sameyn oo ay Alle ka cabsiga kaashadaan.
HOOS KA DAAWO