Dowladda Somaliya ayaa ku dhawaaqday in la xiray Xabsigii ciidamada Nabadsugidda ee Godka Jilacow, waxaana shir jaraa’id ku qabtay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya.
Wasiirada Amniga iyo cadaaladda xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow iyo Xasan Xuseen ayaa ka hadlay munaasabad kooban oo loo sameeyay xiritaanka xabsigaasi, waxayna sheegeen inay ka danbeysay cabasho ka timid Hay’adaha xuquuqda insaanka iyo shacabka.
Godka Jilacow oo ahaa Xabsi lagu ciqaabo dad kala duwan ayaa shaqeyneyay xilligii dowladii Kacaanka, iyadoo loogu magac daray taliyihii hore ee ciidamada Nabadsugidda Axmed Jilacow Caddow, iyadoo uu ilaa maanta ahaa mid howlgala.
Waxaa xabsiga la xiray loo bixiyay Xarunta Akademiyada Jilacow, iyadoo la sheegay in lagu tababari doono ciidamada NISA.