Wednesday, June 25, 2025

Dowladda Somalia oo shaacisay in Duqeyn lagu dhaawacay Sheekh Xasan Yacquub & Alshabaab oo War kasoo saaray

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 12 ka mid ah maleeshiyaadka Alshabaab ayaa lagu dilay duqeyn ka dhacday degmada Saakow ee gobolka Jubbada dhexe, halkasoo wararkii ugu horeeyay ay sheegeen in duqeynta lagu dilay saddex caruur oo dugsi dhiganayey.

Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta ahna wasiir ku-xiggeenka wasaaradda Mudane Aadan Isaaq Cali ayaa idaacadda Dowladda u sheegay in Duqeynta dhinaca cirka ah lala beegsaday xalay goob ay ku shirsanaayeen horjoogeyaal ka tirsan maleeshiyada Alshabaab oo gaarayay 37.

Warka dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dadka duqeynta lagu dilay ay ku jiraan laba ka tirsan horjoogeyaasha sare ee Alshabaab, isla markaana dhaawac culus ka soo gaaray Xasan Yacquub oo ka mid ah horjoogeyaasha kooxda Alshabaab.

Dhinaca kale warbaahinta Alshabaab ayaa kasoo xigatay Sheekh Xasan Yacquub inuusan jirin weerar lala beegsaday iyo dhaawac soo gaaray midna, isla markaana uu bed qabo oo warka ay faafisay dowladda Federaalka uu yahay been abuur.

Ma jirto cida xaqiijisay sheegashada labada dhinac, laakiin dadka degaanka iyo xildhibaanno kasoo jeeda Gobolka J/dhexe ayaa sheegay in duqeynta lagu qaaday Xarun Caafimaad iyo Dugsi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON