Tuesday, June 24, 2025

Dowladda Somalia oo shaacisay in la qaaday xayiraadii Sacuudiga ee dhoofka Xooladda Soomaalida.

Dowladda Somalia ayaa shaacisay inay ku guuleysatay in Sacuudiga uu qaado xayiraadii saarneyd dhoofka Xoolaha Soomaalida.

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Xanaannada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaal Soomaaliya ayaa lagu sheegay sidii looga qaadi lahaa xayiraadda saarneyd dhoofka xoolaha ee loo dhoofiyo Dalka Boqortooyada Sacuudiga.

“Waxaana halkaan u soo jeedinayaa shacabka Soomaaliyeed, xoolo dhaqatada , ganacsatada iyo ciddi ku howlana arrimaha dhoofka xoolaha Soomaliya, in ay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ay ku guulaysatay in xayiradii dhoofka xoolaha soomaaliya ee dalka Sacuudi Arabiya laga qaaday Moosinka Xajkan sanadkan 2019-ka iyado Wasaarddeena iyo Wassaradda Beeraha ee dalka Sacuudiga a noo socoto sidii guud ahaan looga qaadi lahaa xayiraadda dhoofka xoolaha Soomaaliya, howshaasina ay meel gebo bebo ah ay mareeyso dhowaana aan idinla wadaagi doono wixii ka soo baxa..” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha,

Wasiirka Wasaaradda Xuseen Maxamud Seekh ayaa ui mahad celiyay Dowladda Boqortooyada Sacuudiga iyo Wasaardda Bay’idda, Biyaha iyo Beeraha ee Dawladda Sacuudiga oo uu sheegay inay wada shaqeyn fiican kala dhaxeeyso, isagoo soo dhoweeyay qaraarkii ay kaga qaadeen xayirada dhoofka xoolaha ee sandkan Mowsimka Xajka 2019-ka kaasoo sida rasmi ah ugu soo gudbiyeen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON