Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka hadlay Khilaafka cusub ee ka dhex oogmay Madaxda Sare ee maamulka Galmudug.
Wasiirka ayaa sheegay in iyadoo waanwaan waday ay magaalada Muqdisho ka tageen madaxdii Galmudug labadii maalmood ee ugu danbeysay, wuxuuna ku eedeeyay madaxdii laga rabay inay xalka raadiyaan inay ku socdaan dariiq aan fiicneyn oo horseedaya qasaare.
Wasiirka ayaa ugu baaqay dhammaan madaxda Galmudug inay ku soo laabtaan Muqdisho oo shir waanwaan loogu raadinayo khilaafka madaxda Galmudug uu ka furmi doono 30-ka Bishan May.
DHAGEYSO WASIIRKA