Saturday, July 5, 2025

Dowladda Somalia oo War kasoo saartay Duqeyntii Xarardheere ee lagu dilay 60 ka tirsan Alshabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay duqeyntii ay ciidamada Mareykanka ka fuliyeen degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, taasoo la sheegay in lagu dilay ila 60 ka tirsan kooxda Alshabaab.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Dawladda Soomaaliya oo gacan ka helaysa Saaxiibo Caalami ayaa agaasintay hawlgal qorshaysan oo lagu beegsaday Saldhig ay Argagixisada Alshabaab ku lahayd agagaarka Degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug.

Hawlgankaan oo si wanaagsan ula kulmay ujeedadii laga lahaa ayaa lagu dilay ku dhawaad 70 ka tirsan Alshabaab kuwaas oo isku diyaarinayay weeraro argagixiso oo ay ku waxyeelaynlahaayeen Shacabka Soomaliyeed.

Dadka ku dhintay hawlgalkaan waxaa ku jira Horjoogayaal sarsare oo kuwo ku takhasusay maleegista falalka waxyeelaynta maatida ee Kooxdu ku mashquulsantahay, mana jirto waxyeelo soo gaartay Shacabka Soomaaliyeed maadaama bartilmaameedku ahaa saldhig ay isku uruursanayeen Maleeshiyada Shabaab.

Dawladda Soomaaliya waxeey u mahadcelinaysaa Bulshada Deegaanka iyo Saaxiibada caalamiga ah oo la’aantood aanu suurtagal noqdeen hawlgalkaan.

Dawladdu iyada oo kaashanaysaa Shacabkeeda iyo saaxiibada Caalamiga ah waxeey xaqiijinaysaa in ay ka go’antahay sii labanlaabista Weerarada Kooxaha Sharwadayaasha  ah ee ku hawlan in ay waxyeeleeyaan Shacabka Soomaaliyeed.

Dawladda Soomaaliyeed waxeey ugu baaqaysaa Qaybaha kala duwan ee Shacabka Soomaaliyeed in ay ka qaybqaataan Dagaalka ka dhanka ah Kooxaha Nolol-diidka ah, sidoo kale waxeey ka codsanaysaa Saaxiibada Caalamiga ah in ay sii kordhiyaan garab- istaagooda Dawladda iyo shacabka Soomaaliya si looga guulaysto Argagaixisada Soomaaliya ku nuumanaysa.

Dhamaad

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON