Sunday, July 13, 2025

Dowladda Somalia & Taliska Mareykanka oo War is-khilaafsan kasoo saaray duqeyn ka dhacday G/Bari

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM) iyo dowladda Somalia ayaa warar is-khilaafsan kasoo saaray duqeyn 27-kii bishan ka dhacday buuuaha Golis ee Gobolka Bari.

Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in Militariga Maraykanka oo kaashanaya dowladda Federaalka ay duqeyn diyaaradeed ka fuliyeen buuraleyda Golis ee gobolka Bari ee Puntland, iyagoo ku dilay xubin ka tirsanaa kooxda Daacish.

AFRICOM ayaa sidoo kale sheegtay in duqeyntaasi aysan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka rayidka ah, ayna socoto qiimeynta waxyeellada ay geystay, iyadoo sii wadi doonn duqeymaha ka dhanka ah malayshiyaadka Daacish iyo Al-shabaab ee ku sugan buuraleyda Golis si loo curyaamiyo dhaqdhaqaaqyada ay halkaasi ka wadaan.

Dhinaca kale maalin ka hor waxaa warkan shaacisay warbaahint dowladda Soomaaliya oo lagu sheegay in Duqeynta oo dhacday July 27, 2019, lagu dilay mid ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab oo ku sugnaa Buuraleyda Golis.

Inkastoo qoraallada AFRICOM ay ku cad yihiin in howlgallada ciidamada Mareykanka lala kaashado dowladda Somalia ayaa waxaa muuqata inay kala duwan yihiin labada war ee la kala baahiyey.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON