Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay Wafdi ka kooban xukuumadda iyo Baarlamaanka u dirtay colaadda ka taagan Gobolka Galgaduud.
Wasiirka Arrrimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdishoi ayaa sheegay in isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira labada Gole ee Dowladda Soomaaliya ay u socdaalayaan magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud si dagaalka degaanka Kaxandhaale wax uga qabtaan.
“Arrinta galabta aan u socono waa colaadii ka dhacday dhinaca Gelinsoor, gaar ahaan ka dhacday agagaarka meesha la yiraahdo Kaxandhaale, soo noqodkeenna waxaan geli doonaa oo aan xal ka raadin doonaa labada beelood ee ku diriraya xuduudka Hiiraan iyo Galgaduud oo ciidanka Qaranka loo diray rajo weyna aan ka qabo iney kala dhex galaan labadaasi ciidan,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha.
Wafdiga wasiirka arrimaha gudaha waxaa ka mida xildhibanno ka soo jeeda Gobolka Galgaduud oo labada gole ka tirsan.