Dowladda Somalia War-cad kasoo saartay Dadkii ay Ciidamada AMISOM ku dileen Muqdisho [Akhriso]

Dowladda Soomaliya ayaa war cad kasoo saartay dhacdadii ciidamada AMISOM ku dileen afar qof oo shacab ah degaanka Suuqa Xoolaha.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa AMISOM looga dalbaday in degdeg loo soo gabagabeeyo baaritaanka falkan oo dhinaca dowladda ay sheegtay inay sameyneyso baaritaan u gaara.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaareynaysaa dhacdadii ka dhacday degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir 6dii Nofeembar 2018ka, taas oo ay ku lug lahaayeen Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayna ku naf waayeen muwaadiniin Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku wargelinaysaa Xafiiska Midowga Afrika ee Soomaaliya in si degdeg ah loo soo dhammeystiro baaritaanka dhacdadan, loona hor keeno sharciga cid kasta oo ay ku caddaato in ay ku lug lahayd. Dowladda Soomaaliya waxa ay billaabeysaa baaritaan gaar ah oo la xiriira dhacdadan.

nkasta oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya garowsantahay duruufaha ay ku shaqeeyaan ciidamada dalalka aan walaalaha nahay ee kamidka ah hawlgalka AMISOM iyo dhiigga ay ku bixinayaan nabadaynta iyo xasilinta Soomaaliya, haddana waajibka ugu horreeya ee dowladda Soomaaliya waa ilaalinta nafta iyo hantida ummadda Soomaaliyeed.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan Goleyaasha Dowladda waxa ay tacsi u dirayaan ehelada dadkii ku geeriyooday dahcdadan, waxa ayna farayaan hay’adaha ay quseyso la socoshada iyo daryeelka caafimaad ee dadkii ku dhaawacmay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

108,231FansLike
568FollowersFollow
2,500FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

TOP NEWS

108,231FansLike
568FollowersFollow
20FollowersFollow
2,500FollowersFollow

Wararkii Maanta

error: Content is protected !!