Tuesday, July 15, 2025

Dowladda Somaliya & Mareykanka oo isku qabsaday cidda dishay Sarkaalkii Amniyaadka Alshabab

Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa isku qabsaday cidda dishay  sarkaalkii dhinaca Amniyaadka ee Alshabaab Xasan Cali Dhoore oo dhinac waliba gaarkiisa u sheegtay inuu dilay Sarkaalka sare ee Al-shabaab.

Warkii ugu horeeyay wuxuu kasoo baxay Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Cali Baashi oo warbaahinta dowladda u sheegay in howlgal  xalay ciidamada Kumaandooska ee dowladda ka fuliyeen gobolka Sh/hoose, gaar ahaan tuulada Tooratoorow lagu dilay afar sarkaal oo ka tirsan Al-Shabab oo uu ka mid ahaa Xasan Cali Dhoore oo abaanduuluhu sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca amniyaadka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhinaca kale sii sheegay xalay inay socdaan howlgallo lagu beegsanayo caddowga Alshabaab, laakiin Mareykanka ayaa sheegtay isna in Sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-Shabab uu ku dhintay duqeyn ay gaysteen diyaaradaha keligood is wada ee  Drones-ka Maraykanka.

Warkan waxaa saraakiisha Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka kasoo xigtay VOA-da. Waxayna sheegteen in  sarkaalka lagu magacaabo Xasan Cali Dhoore uu ku dhintay duqeyn shalay ay gaysteen diyaaradaha dagaalka ee Drones-ka Maraykanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore madaxda Xasan Cali Dhoore u dul dhigtay abaal marin lacageed, mana ahayn sarkaal bartilmaameed u ah Mareykanka,  isagoo madax ka ahaa sirdoonka Shabaab ee fuliya dilalka qorsheysan ee gobolka Banaadir.

Howlgal kale oo ka dhacay agagaarka Jannaale ayaa dowladda Soomaaliya ay sheegtay in lagu dilay in ka badan 10 xubnood oo  ka tirsan ururka Al-Shabab.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON