Tuesday, July 15, 2025

Dowladda Somaliya oo Beesha Caalamka horgeysay Qorshe Ciidamada Dalka kula wareegayaan howshii AMISOM [Sawirro]

Dowladda Soomaaliya ayaa beesha caalamka u gudbisay qorshe ay Ciidamada dalka ay AMISOM ugala wareegayaan amniga dalka.

Shir ay yeesheen wakiilada Beesha Caalamka iyo Dowladda Soomaaliya oo uu shir guddoomiyey Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayay dowladda Soomaaliya kusoo bandhigeytay Qorshaha Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM lagala wareegayo amaanka dalka.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Dowladda Soomaaliya,xubno matalayey Beesha Caalamka iyo madax ka socotay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, waxaana lagu sharaxay kulanka qorshaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ay AMISOM ugala wareegayaan amaanka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh oo lahadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in qorshahaan oo ay soo diyaarisay dowladda Soomaaliya la isla ogolaaday, islamarkaana Beesha Caalamka ay u arkeen qorshahaan mid ku yimid rabitaanka Dowladda Soomaaliyeed oo ay mudantahay in la isla qaato.

“Muddo bil ku dhow waxaa la diyaarinayey qorshaha ama marxaladii ay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ay xilka amniga kula wareegi lahaayeen, waana markii ugu horeysay oo lasoo diyaariyo qorshe Anaga aan leenahay” ayuu yiri wasiirka.

SAWIRRO

 

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON