Saturday, August 2, 2025

Dowladda Somaliya oo kalsoonidii kala laabatay ciidamada Kenya ee AMISOM, kuna hanjabtay… (Akhriso)

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa qoraal dheer oo jawaab iyo mowqif cusub ah ka qaadatay xiisadda Diblomaasiyadeed kala dhaxeysa dalka Kenya, iyadoo waxba kama jiraan ka dhigtay Warbixintii Guddiga Xaqiiqo raadinta IGAD.

Qoraal ka kooban 4 Bog oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu faahfaahiyey faragelinta ay Kenya ku heyso arrimaha gudaha ee Soomaaliya iyo ciidamada ay ku ururisay gudaha Kenya oo weerar ku qaaday magaalada Beledxaawo, waxaana warbixintii Guddiga IGAD ee ka socday dalka Jabuuti ku tilmaantay mid Kenya u xaglinaya oo aan la aqbali karin, waxayna ugu baaqday IGAD inay Guddi cusub oo isku dhaf ah usoo dirto xuduudka Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraalka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya waxaa lagu sheegay inaysan kalsooni ku qabin ciidamada Kenya ka jooga Soomaaliya ee ka mida AMISOM, isla markaana aysan ka shaqeyneynin xasiloonida Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxay ku hanjabtay inay ka fiirsaneyso urur Goboleedka iGAD, arrinta kala dhaxeysa Kenya-na ay u gudbin doonto Midowga Afrika iyo xitaa Golaha Amniga.

HOOS KA AKHRISO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON