Dowladda Somaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Kenya inay faragelin siyaasadeed iyo mid amni ka wado gudaha Soomaaliya, iyadoo adeegsaneysa ciidamadeeda ka mida AMISOM.
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka xun tahay faragelinta siyaasadeed iyo amni ee ay dowaldda Kenya ka wado gudaha Soomaaliya, taasoo aan u wanaagsaneyn xiriirka laba dal, xal u helidda dhibaatooyinka Gobolka iyo la-dagaalanka argagixisada.
Xuduudaha labada dal ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka inay mas’uul ka yihiin caasimadaha dalalka, ayna tahay inay ka wada shaqeeyaan sidii labada shacab nabad ugu wada noolaan lahaayeen, wixii ka dhaxeeya labada dowladoodna lagu xaliyo dariiqa sharciga ah, sida dacwadda Badda labada dal ee taalla maxkamadda caalamiga ah.
“Dowladda Kenya waa inaysan Ciidamadeeda ku jooga Soomaaliya magaca AMISOM u adeegsan faragelinta arrimaha siyaasadda gudaha iyo khalkhal gelinta amniga gudaha Soomaaliya..” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka xukuumadda Soomaaliya oo aan si cad u sheegin waxa ay isku hayaan labada dal ee keenay cabashada cusub.
Arrintan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo wasiirkii Amniga Jubbaland ee baxsaday uu dhaqdhaqaaq ka wado Gudaha Kenya, iyo qeybo ka mida Gobolka Gedo oo ku dhow Xuduudka dalka Kenya, isagoo gacan ka helaya dowladda Kenya.
AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA
