Tuesday, June 24, 2025

Dowladda Somaliya oo Mamnuuceysa Aaladaha Tiktok, Telegram & 1XBET

Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay Amar lagu mamnuucayo aaladaha Tiktok, Telegram iyo Aalada Qamaarka lagu ciyaaro ee 1XBET.

Qoraal kasoo baxay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda Jaamac Xasan Khaliif ayaa lagu sheegay in wixii ka dambeeya 24-ka bishan guud ahaan dalka laga mamnuucay saddexda aaladood.

Shir ka dhacay xarunta Wasaaradda ayna ka qeyb galeen Wasaaradda Isgaarsiinta, Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka ayaa looga hadlay bedqabka Isgaarsiinta, ilaalinta amniga Internet-ka iyo baraha bulshada,

“Si loo fuliyo qodobbada 64-aad iyo 65-aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda waxa ay ku howlantahay sidii loo ilaalin lahaa dhaqanka suubban ee bulshada Soomaaliyeed marka la isticmaalayo isgaarsiinta iyo aaladaha internetka oo saameyn ku yeeshay hab-nololeedka iyo in ay soo kordheen dhaqamo xun-xun, waxaana qabashada howshaan laf dhabar u ah Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Shirkadaha ka shaqeeyo arimaha ICT-da” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda Jaamac Xasan Khaliif.

Dhinacyada ayaa isla qaatay xilligaan inay muhiim tahay in la xiro Baraha kala ah: Tiktok, Telegram iyo Aalada Qamaarka ee 1XBET oo saameyn nololeed ku yeeshay Dhallinyarada Soomaaliyeed oo qaarkood ay nafta ku waayeen.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON