Hay’adaha Ammaanka dowladda Federaalka ayaa lagu wadaa inay soo bandhigaan mid ka mida Amiirada Alshabaab oo dhowaan lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Wararka laga helayo hay’adaha ammaanka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Saxaafadda loo soo bandhigi doono C/Waaxid Axmed Khaliif (Ciise Tarabuun) oo dhowaan lagu soo qabtay howlgal ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa shaacisay dhowaan in Ciise Trabuun uu yahay Madaxa Amniyaadka Al-shabaab ee Gobolka Banaadir.
Waa ninkii ugu heer sareeyay ee u soo gacan gala dowladda Federaalka, kana tirsan Alshabaab.
Goobjooge