Monday, June 23, 2025

Dowladda Somaliya oo shaacisay in Shabaabkii ugu badnaa lagu dilay Degaanka Guulane

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in howlgal muddo 48 saacadood ka socday degaanka Guulane ee Gobolka SH/Dhexe oo lagu dilay tiro ku dhow 100 Alshabaab ah.

Howlgalkan oo isugu jiray Duqeyn cirka ah iyo weerar toos ah ayaa ka dhacay Tuulada Juxaay ee hoostaga degaanka Guulane, Gobolka Sh/Dhexe, halkaasoo ay ku sugnaayeen boqolal Alshabaab ah.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Al-cadaalla oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegya in ilaa 88 Alshabaab ay lagu laayey weerarka, isla markaana meydadka 32 ka mida la ururiyay, lana aqoonsaday, halka inta kale la aqoonsan karin, sida uu sheegay.

Maleeshiyadan ayaa lagu duqeeyay meel howd ah oo go’doon ah, waxaana duqeynta fuliyey ciidamada Mareykanka, iyadoo Wasiirku sheegay in hal askari uu ku dhintay howlgalka afar kalena ay ku dhawacmeen.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Alshabaab oo ku saabsan dagaalka iyo duqeynta qasaaraha weyn dhalisay ee ka dhacday degaanka Guulane oo ay isku urursanayeen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON