Tuesday, June 24, 2025

Dowladda Soomaaliya oo la safatay Boqortooyada Sacuudiga kadib Weerarkii Xuuthiyiinta Yeman

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xill dambe si kulul u cambaareeysay duqeyntii kooxda Xuuthiyiinta Yeman ku qaadeen garoonka magaalada Riyadh ee Boqrotooyada Sucuudiga.

War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay weerarkaasi. “Weerarkaasi waxaa cad in ay tahay in la jebiyay sharciga caalamiga ah,waxaana muujinaynaa dareenkeeni ku aadan xisadaha soo cusboonaaday oo majaxaabinaya amniga gobolka iyo guud ahaan Caalamka”, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradad Arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in shacabka iyo Dowladda Sucuudigu ay ku garab taagan tahay sidii ay isaga difaaci lahaayeen cadowga ayna ilaashadaan nabad geliyada iyo degnaanshohooda.

“Waxaa ku celinaynaa balanqadkayni ahaa in aan sii wadno wadashaqeynta nagala dhexeysa Sucuudiga iyo saaxoobadeena eee Gobolka iyo guud ahaan Beesha caalamka,si loo cirib tir kooxaha arggagixisada Caalamiga ah,si loo helo nabadgeliyo iyo xasilooni waarta,ee Gobolka iyo Guud ahaan Caalamka intiisi kale”. Sidaasi ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedkani ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Sucuudiga waxaa ay ka mid tahay wadamada taageerada siiya Soomaaliya,iyadoo uu kala dhexeeyop Soomaaliya xiriir dhankasta leh oo soo jireen ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON