Dowladda Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo kale oo lagu kordhinayo awoodeeda, laguna canshuurayo shirkado ajnabi u badan oo dhex degan degaanka Xalane & Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Guddi Wasiiro ah oo arrintan loo xil saaray ayaa shalay tegay garoonka Muqdisho, iyagoo la kulmay ganacsatada ajnabiga ah ee muddo sanado ah ku shaqeysanayay gudaha Garoonka, halkaasoo ay ka furan yihiin baarar, hoteelo iyo xarumo ganacsi oo aanay wax awood ah ku lahayn dowladda Soomaaliya, balse AMISOM ay maamulato.
Shirkadahan ayaa tiradooda lagu sheegay 157, oo 9 kaliya ay ka diiwaangashan yihiin, waxayna qabtaan howlo kala duwan iyadoo hore loogu fashilmay in la diiwan geliyo ama la sharciyeeyo si ay canshuur u bixiyaan.
Wasiirada la kulmay ganacsatadan ayaa u sheegay inay is diiwaan geliyaan sid egdeg ah, ayna bixiyaan canshuurta ku waajibtay, haddii kale laga qaadi doono tallaabo ay ku jirto in dalka laga saaro.
Wasiirada wxaa kamid ahaa; Maaliyadda, Wafraafinta, Gaadiidka Dekadaha, Duulista iyo xubno kale, waxaana guddiga wasiirada magacaabay Golaha wasiirada.