Saturday, July 12, 2025

Dowladda Soomaaliya oo abaabushay Madal Siyaasiyiin ah oo ka difaaca Mucaaradka [Sawirro]

Dowladda Soomaaliya ayaa abaabushay Madal loogu magac daray Talo-wadaag oo ay ku bahoobeen siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin hore xilal uga soo qabtay dalka.

Madashan ayaa howshoodu tahay inay difaacaan dowladda, kana hortagaan ololaha ay wadaan mucaaradka dowladda, waxaana ka dhex muuqda siyaasiyiin kala duwan oo hore xilal u soo qabtay iyo kuwo ka mid ahaa maamul Goboleedyada dalka.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali  Khayre ayaa shalay la kulmay aqoonyahanada Soomaaliyeed ee (Tallo-Wadaag) oo la sheegay inay xaruntoodu tahay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horayntii ku baraarujiyey aqoonyahanada iyo xubnaha bulshada ee kulanka ka qaybgalay iney qaataan kaalintooda ku aadan dawladnimada. Mudane Khayre  waxa uu xusay in albaabada madaxda sare ee Qaranka ay u furan yihiin cid walba oo talo iyo tusaale wanaagsan ku biirineysa, isagoo uga mahadceliyey tallooyinka waxtarka leh ee ay soo gudbiyeen.

Xubnaha Madashan ka dhex muuqda waxaa ka mida: Ra’iisal wasaare ku xigeenkii hore Ridwaan Xersi Maxamed, Guddoomiyihii Guddiga doorshada dadban Avv. Cumar  Maxamed Cabdulle Dhagey, Musharax hore C/llaahi Cali Xasan, wasiiru dowle hore Maxamed Nuur Gacal iyo xubno kale.

SAWIRRO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON