Thursday, July 3, 2025

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay Gantaal ay Xuuthiyiinta Yeman ku rideen Magaalada Riyad

Dowladda Soomaaliya ayaa canbaareysay Gantaalkii ay kooxda Xuuthiyiinta dalka Yeman ku rideen magaalada Riyaad ee Boqortoyada Sacuudiga.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay si weyn u cambaareyneyso falka ay ku dhaceen maleeshiyada Xuutiyiinta oo Talaadadii gantaal balastik ah ku riday magaalada Riyaad, kaasoo ay ka hortageen difaaca sacuudiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay garab taagan tahay Sacuudiga iyo shacabkeeda si looga hortago falalka cadowtinimo ee Xuuthiyiintu ku hayaan ammaanka iyo xasiloonida Boqortooyada Sacuudiga.

AKHRISO QORAALKA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON