Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay falkii degaanka Gololley ee dagmada Balcad ka dhacay, laguna laayey 8 qof oo intooda badan ka shaqeynayay xarun Caafimaad oo ku taalla degaankaasi.
“Ficillada noocaan oo kale ah oo lagu xasuuqo dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan, waxaa ku caan baxay kooxda Al-Shabaab. Dowladdu waxay amartay in baaris degdeg ah lagu sameeyo dhacdadaas, laguna dadaalo in dambiilayaasha xasuuqay dadkaas shacabka ah ee aan waxba galabsan gacanta lagu soo dhigo, oo cadaaladda la hor keeno” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xukuumadda Federaalka
Waxaa kaloo war-saxaafadeedka dowladda Soomaaliya tacsi loogu diray ehellada dadkii lagu laayey degaanka Gololley, degmada Balcad, Gobolka Shabeellada Dhexe.
Dadka degaanka iyo ehelada dadka la dilay ayaa falkaasi ku eedeeyay ciidamada dowladda Federaalka ee Gobolka Sh/Dhexe.
