Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamo milateri ah oo hor leh u dirtay maamulka Galmudug si ay u xoojiyaan awoodda difaac ee maamulka uu hogaamiyo C/kariin Xuseen Guuleed, waxaana ciidamadaasi oo laga diray magaalada Muqdisho ay gaareen xarunta gobolka Hiiraan ee Beledweyne.

Ciidamdan oo ku sii jeeda degaanada Galmudug ayaa ujeedkooda lagu sheegay inay bariga Galgaduud ka bilaabi doonaan howlgal lagu xoreyntayo degaanada Alshabaab gacanta ku heyso, laakiin waxaa jira warar kala duwan oo ka soo baxaya ciidamada loo raray Galmudug.
Ciidamada Federaalka ee loo diray Galmudug waxaa magaalada B/weyne Qado uu sameysay Marwada Guddoomiyaha Maamulka G/Hiiraan oo ah Qusulka siyaasada safaarada Soomaaliya ku leedahay magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya Maryan Maxamed Cabdule.
Ciidamadan oo wata gawaarida dagaalka ayaa ku sugan degaanka Jante-Kundsihe, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay gaareen degmada Cadaado ee xarunta kumeelgaarka u ah Galmudug.
DAAWO SAWIRRO
