Bangiga Adduunka ayaa oggolaaday inuu markii ugu horeysay muddo 30 sano ah Soomaaliya siiyo lacag maalingelin ah oo gaareysa 80 milyan oo Doolar, taasoo loogu talogalay dib u dhiska iyo xoojinta Hay’adaha Maaliyadda dowladda Federaalka iyo Dakhliga Gudaha.
Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay buuxisay shuruudihii ku xirnaa in nidaamkeeda maaliyadeed uu noqdo mid la isku halleyn karo, ayna kasoo baxday dhammaan qodobadii looga baahaa si ay xaq ugu yeelato in la siin karo taageero dhaqaale oo ka timaada Bankiga Adduunka.
Bankiga Adduunka ayaa joojiyay sanadkii 1991-kii xiriirkii uu la lahaa Soomaaliya, isagoo ah maalgelin jiray mashaariicda laga fuliyo dalka, balse wuxuu dib u bilaabay taageerada dowladda Soomaaliya 2003, xilligaas oo Bankigu hay’ado kale u marin jiray Somalia taageerada.
30-ka sano ee ugu danbeysay Bankiga Adduunka (World Bank) ma jirin xiriir toos ah oo uu la lahaa dowladda Soomaaliya, taasoo ay ugu wacneyd iyadoo aanay dalka ka jirin dowladda hay’adaheeda maaliyadeed xoog leeyihiin oo la isku halleyn karo,.
Wada-shaqeynta Bangiga Adduunka iyo dowladda Soomaaliya ayaa dib loo bilaabay 2013. waxayna sii xoogeystay markii la magacaabay xukuumadda uu hoggaamiyo Kheyre, iyadoo ugu danbeyn ay Soomaaliya ka baxday liiskii madoobaa ee dalalka nidaamkooda maaliyadeed aaanu dhisneyn.
Guddida fulinta Bangiga Adduunka ayaa ansixiyey maalgelinta loo qoondeeyay Soomaaliya ee dhan 80-ka milyan ee doolar oo 60 milyan Doolar oo ka mida loogu talagalay Mashruuca Dib-u-habaynta Maaliyadda iyo bixinta kharashaadka dowladdu gasho iyo 20 milyan Doolar oo loogu talagalay Mashruuca Xoojinta Dakhliga Gudaha iyo awoodda Maamulka Maaliyadda.
Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay deeqda Bankiga adduunka iyo xiriirka sida tooska ah u dhex maraya, wuxuuna caddeeyay in lacagta aysan ahayn deyn ay warbaahinta qaarkeed baahisay ee ay tahay deeq.