Wednesday, July 16, 2025

Dowladda Soomaaliya oo degdeg ugu yeertay & Safiiro & Qorshe lala damacsan yahay [Akhriso Magacyada]

Dowladda Soomaaliya ayaa u yeertay in ku dhow 10 safiir oo Soomaaliya u fadhiya dalalka dibadda inay degdeg ugu soo laabtaan dalka.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa safiiradan ku amartay inay degdeg ku soo laabtaan dalka, iyagoo muddo 30 maalmood ah loo qabtay inay ku soo galaan dalka.

Qoshahan oo la sheegay inay isla ogyihiin madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ujeedkeedu yahay in isbedel lagu sameeyo safiirada in ka badan 4 sano xilka hayay.

Danjireyaasha loo yeeray inay dalka degdeg ku soo galaan, waxaa ka mida:

  1. Danjiraha Soomaaliya ee Jabuuti:  C/raxmaan Cabdi Xuseen
  2. Danjiraha Soomaaliya ee Imaaraadka: C/qaadir Sheekheey Maxamed
  3. Danjiraha Soomaaliya ee China: Yuusuf Xasan Ibraahim
  4. Danjiraha Soomaaliya ee Kuweyt: C/Qaadir Sheekh Amiin Abuukar
  5. Danjiraha Soomaaliya ee Qatar: Cumar Sheekh Cali Idiris
  6. Danjiraha Soomaaliya ee Suudaan: Maxamed Cabdi Ugaas
  7. Danjiraha Soomaaliya ee Uganda: Sayid Axmed Sheekh Daahir
  8. Danjiraha Soomaaliya ee Zambia: Maxamed Xasan Dawaare

Qaar ka mida safiirada ayaa si public ah u cambaareeyay go’aankii ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay kiiskii Sarkaalkii ONLF ee loo gudbiyay Itoobiya sida safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON