Dowladda Soomaaliya ayaa guddi u saartay dhacadii ka dhacday deegaanka bariire ee gobolka Sh/Hoose.
Guddigan ayaa la sheegay inuu guddoomiye u yahay Wasiirka Amniga Soomaaliya oo gudoomiye ayay dowladda Soomaaliya u xil saartay xaaladda wixii ka dhacay Bariire,
Wasiirka Amniga Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa sheegay in la sameeyey guddi baaritaan dhab ah ku sameeya dhacdadii Bariire, islamarkaana aan laga hari doonin inta laga xaqiijinayo waxa sababay dhacdadaasi.
Guddigan ayaa looga fadhiyaa in baaritaano dhab ah ay ku sameeyaan dhacdaasi si bulshada loola wadaago xaqiiqda waxa ka dhacay deegaanka bariire ee gobolka Sh/Hoose.
Weerar ciidamada Soomaaliya ku qaadeen degaanka Bariire ayaa lagu dilay ilaa 10 qof oo saddex ka mida ay caruur ahaayeen, arrintan oo dowladda Federaalka ay jahawareer kala kulantay.