Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hambalyo u diray dhiggiisa dalka Turkiga isagoo ugu hambalyeeyay aftidii guud ee dalkaasi ka dhacday shalay.
“Dowladda iyo shacabka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya waxaa ay hambalyo u direyaan dowladda iyo shacabka jamhuuriyadda Turkiga natiijadii wanaagsaneyd ee ka soo baxday aftidii Axaddii ka dhacay dalkaas, taas oo qeexeysa mustaqbalka siyaasadda dowladooda” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.
Waxaan u hambalyeynaynaa madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan guushii uu ka gaaray aftidan, waxaana u keeni kartaa awood iyo barwaaqo in uu gaaro dalka Turkiga. Waxaan ku kalsoonahay in hogaaminta madaxweyne Erdoğan in dalkaas u keeneyso in uu sii socodo horumarka iyo barwaaqeynta.