Wararka laga helayo Gobolka Bakool ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya iyo maamulka K/Galbeed ay Saanad hub iyo rasaas ah gaarsiiyeen Sheekh Mukhtaar Roobow.
Ciidamo ka tegay xarunta Gobolka Bakool ee Xudur oo ka tirsan dowladda Federaalka ayaa la sheegay inay gaareen degaanka Abal ee ay ku sugan yihiin maleeshiyada taagereysa Sheekh Mukhtaar Roobow, iyagoo gaarsiiyay Saanad u badan rasaas.
Xiriirka u dhaxeeya dowlada Soomaaliya iyo Wadaadka ka goostay Alshabaab ee Mukhtar Roobow ayaa mar qura soo shaac baxay kadib markii Mareykanka uu wadaadkan ka saaray liiska argagixisada, lana noqday lacagtii madaxiisa la saaray.
Saraakiisha ciidamada dowladda ee Gobolka Bakool ayaa warbaahinta u sheegay in amar lagu siiyay inay difaacaan Sheekh Roobow, waxayna ciidamadan shalay gaareen degaana Buuraleyda Abal ee duleedka magaalada Xudur.