Sunday, July 13, 2025

Dowladda Soomaaliya oo kashiftay sababta loo xiray Wadooyinka yaryar ee Xaafadaha Muqdisho [Akhriso]

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay sababta loo xiray wadooyinka jid-caddeyaasha ah ee xaafadaha magaalada Muqdisho qaarkood.

Wadooyinkan ayaa lagu gooyay dhagxaan iyo carro dhowr dego oo ka tirsan magaalada Muqdisho, kadib weerarkii Alshabaab ku qaaday Baarka Pizza House oo lagu dilay dad fara badan.

Wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in wadooyinka Jid-caddeyaasha ah loo xiray sababo dhinaca amniga ah.

“Si aan u xoojinayo Amniga ciidanku waxay sameyn doonaan wax walba oo suurtagal ah, waxaa la xiray qaar ka mida jidadka xaafadaha dhexdooda mara oo hore u furnaa ujeedka loo xirayna waa in lagu badbaadinayo shacabka Soomaaliyeed… Maalin walba qaraxyada iyo dhibabka ay geystaan argagixisadu waxaan ku weynaa dad fara badan.., si taas looga badbaado waxaa lagama maarmaan ah in la xoojiyo amniga caasimadda oo lala shaqeeyo ciidamadda howlgalka ku jira…” ayuu yiri Wasiirka Amniga oo qiil u sameeyay wadooyinka ay xritay dowladda.

Dad badan ayaa walaac ka muujiyay wadooyinka la xiray oo sii adkeeyay isu socodka dadka iyo gadaiidka, waxayna tallaabadan ka horjeedaa balanqaadkii doorashada ee madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo jidadka la xiro ku tilmaamay caburin.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON