Dowlada Soomaaliya ayaa loo soo tababaray ciidamo Boolis oo ka hortaga rabshadaha, kuwaasoo gaaraya 270 Askari.
Ciidamadan oo ah kuwo si gaara u tababarran ayaa tababar ku soo dhammeystay dalka Jabuuti. Waxaana arrimaha la baray ka mida la-dagaallanka Argagixisada, ka hortagga dibadbaxyada rabshadaha wata iyo howlgallada degdega ah markii ay dhacaan shilal amni darro.
Ku-simaha Taliyaha Booliska oo Ciidamadan Jen. Mukhtaar Xasan Afrax oo tababarka ugu soo xiray dalka Jabuuti iyadoo ay wehliyeen saraakiisha Ciidamada Jabuuti ayaa ciidamadan kasoo dejiyay maanta magaalada Muqdisho.
Taliyaha wuxuu sheegay in Ciidamadadan ay ka tababar fiican yihiin Ciidamadii hore ee tababarrada Booliska lagu siinjiray dalka Jabuuti, iyagoo ah noqonaya kuwo gaar ah oo ka hortaga banaanbaxyada rabshadaha wata iyo sidoo kale ka hortagga weerarrada argagixisada.
Ciidaman oo ka kooban 270-ka Askari ayaa ah dufcaddii 8aad ee Ciidamada Booliska Soomaaliya ee lagu tababarro dalka Jabuuti
SAWIRRO