Monday, September 15, 2025

Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho ku dhexdhexaadineysa Madaxda Galmudug & Ahlu Suna

Dowladda Soomaaliya ayaa Muqdisho isugu keentay madaxda maamulka Galmudug iyo Ahlu suna, dadaalkii ugu weynaa ee labada dhinac lagu doonayo inay ku midoobaan.

Qorshahan waxaa bilaabay madaxweyne Farmaajo kadib markii uu Muqdisho ku casuumay madaxweynaha Ahlu suna Sheekh Shaakir Maxamed Cali, isla markaana ay isla soo qaadeen xal loo helo khilaafka labada dhinac.

Dhinaca Galmudug ayay dowladda Federaalka ku guuleysatay inay dib u dhigo doorashada madaxweynaha maamulkaasi, iyadoo waqti loo qabtay wadahadallo madaxda labada dhinac ku yeeshaan magaalada Muqdisho oo ay gacan ku leedahay dowladda Soomaaliya.

Galmudug waxaa dhinaceeda wada-hadalka u metalaya Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey ahna ku simaha madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Casir, halka wafdiga Ahlusunna uu hogaaminayo Madaxweynaha Ahlusunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Waxaa la filayaa in labada dhinac ku heshiiyaan maamul ay wada dhistaan kadib sanado khilaaf dhiig ku daatay ku dhex marayeen Gobollada Dhexe.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON